Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Maamul-Goboleedka Gal-Mudug Mahad Xasan Maxamed oo u waramayay Idaacad si gaar ah loo leeyahay oo ku taal magaalada Muqdiho ayaa Waxa uu faah-faahin dheraad ah uu Ka bixiyay Qorshe Hub ka dhigis ah oo ay Wasaarada Amniga Maamulka Gal-mudug ay muddoyinkii danbe Ka waday Magaalada Cabud-waaq Ee Gobolka Galgaduud.
Waxa uu sheegay in ciidamada Gal-mudug gabi ahaan lagu amray in ay sameeyaan Howlgalka Hubka dhigista oo maleeshiyaadka Aan maamulka ka tirsaneen Looga dhigayo Hubka .
Dhinaca kale Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Amniga Maamul-Goboleedka Gal-Mudug ayaa tilmaamay in Howlgalkan hub ka dhigista ah ay wadaan ciidamada Dowlad Goboleedka Gal-mudug kaliye aysan Ku jirin ciidamada Maleeshiyaad ah oo gacan siinaya ciidamada Gal-mudug Hadalka Wasiirku Xigeenka Wasaarada Amniga Gal-mudug ayaa Ku so beegmaya’iyadoo maalmihii danbe Magaalada Cabud-waaq ay ka dhacaayeen Dagaal u dhaxeeyo Maleeshiya Beleed,waxaana Wasaaradda ay sheegtay in arintan hub ka dhigista ay Ka taageereeyso Maamulka sidii lagu xakameen lahaa Dagaalada.











