Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta weerar ku qaaday fariisin Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin degaanka Kabtan-laas oo u dhow magaalada Marka oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarkan ayaa noqday mid xoogeystay waxaana Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada halkaasi ku sugnaa dhexmaray Dagaal socday mudo Daqiiqado badan ah, sida ay Sheegayaan dadka Degaanka.
Si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan maanta dhacay, maadaama ay adag tahay in la helo xogaha ku saabsan weerarkan, oo labada dhinac khasaare uu ka soo gaaray.
War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen xoogag iyaga ka tirsan in ay weerareen fariisin Ciidnka Dowladda ay ku leeyihiin degaanka Kabtan-laas, halkaasina uu ku dhexmaray Dagaal.
Shabaabka waxay kaloo sheegeen fariisinka ay weerareeen in Ciidanka Dowladda ay u aheyd Isbaaro, raggii weerarayna halkaasi ay u suuragashay in ay la wareegaan, kadib markii Ciidanka Dowladda dagaalka looga itaal roonaaday, sida ay sheegeen Shabaabka.
Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose weli kama aysan hadlin weerarkan Shabaabka ay sheegeen in ay kula wareegeen degaanka Kabtan-laas.











