Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay howlaha Ahlu-suna ay ka qabteen Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wada tashi kula qaadanaya magaalada Dhuusamareeb qeybaha bulshada ayaa ku ammaanay culumada iyo dhallinyarada Gobalka Galguduud dadaalka ay ku bixinayaan nabadda iyo dib u heshiisiinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin qorsheyaasha hormarineed ee dowladda, gaar ahaan arrimaha dib u heshiisiinta, loogana baahanyahay in ay ka soo dhalaalaan kaalintooda maadama ay in ka badan 70% ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo xalay kulan gaar ah la qaatay culimada ayaa bogaadiyey kaalintooda ku aaddan wacyigelinta bulshada deegaankan isaga oo ku ammaanay sida ay naf iyo maalba ugu hureen in laga cirib tiro deegaannadan dagaaalamayaasha Xarakada Al-shabaab.

“Markii laga hadlayo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, waxaad tusaale wanaagsan u tihiin gobollada kale ee dalka, waayo idinkoo kaashanaya dhammaan qeybaha bulshada deegaankan waxaad ku guuleysateen in aad cadoowgaas la dagaalantaan oo aad ka dabar gooysaan deegannadan”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii saddexaad ku sugan Dhuusamareeb ayaa wada dadaallo ku aaddan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta.