Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimaddda Maamulka Galmudug waxaa dib loo dhigay Munaasabadii lagu dhameyn lahaa heshiiskii Ahlu sunna iyo Galmudug gaareen 06/12/2017-kii.
Sababta dib u dhaca ayaa lagu sheegay arrimo farsamo, iyo wafuudii la filayay aan magaaladda gaarin, waxaana loo qorsheeyay in maalinta bari ah ay dhacdo munaaasabadda.
Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa la filayaa in ay maanta gaaraan Mas’uuliyiin dowladda ah iyo maamul goboleedyadda kuwaasi oo ka qeyb gali doono Munaasabadda.
Wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada dhuusamareeb,waxaana maanta lagu wadaa in uu kulamo la qaato bulshadda qeybaheeda kala duwan.











