Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay Magaladda Dhuusa-mareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxa uu kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Ahlusuna Waljameeca.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan oo haatan ah Madaxa Golaha Wasiiradda maamulka Galmudug,xildhibaano, iyo siyaasiyiin kale.
Qodobadda kulankaan loogu hadlay ayaa lagu sheegay sidii loogu shaqeyn lahaa midnimadda dadka Goboladda Dhexe, iyo sidii adeega Maamulka Galmudug loo gaarsiin lahaa dhamaan dadka goboladda Dhexe.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa la sheegay in uu balanqaaday in Dowladda Dhexe ee Soomaliya ay ka shaqeyn doonto sidii loo garab istaagi lahaa Maamulka Galmudug.











