Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka mid ahaa kuwa Ilaalada Madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiyo-Cas loo diiday inay galaan magaalada.
Ciidamadan oo ka yimid dhanka Cadaado, qeybna ka ahaa Ciidamadii sugayay ammaanka Madaxweynaha safaradii uu ku marayay magaalooyin ka tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa la sheegay in lagu celiyay deegaanka Mareer-gur oo u dhaxeeya Cadaado iyo Dhuusa Mareeb.
Bar koontarool oo ciidamo ka tirsan Ahlusuna ku leeyihiin deegaankaas ayaa lagu celiyay ciidamadan, iyagoo lagu amray inay hubka dhigaan.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlusuna ay diideen in ciidamo dheeraad ah la geeyo magaalada oo ka qeyb qaata sugida wafdiga Madaxweynaha iyo wafuuda kale ee tagi doonta Dhuusa Mareeb.
Wada hadalo la doonayo in ciidamadan loogu ogolaado inay galaan Dhuusa Mareeb ayaa soconaya, iyadoo la sheegayo in Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ay kala hadleen arrintan Maamulka Ahlusuna ee gacanta ku haya Dhuusamareeb.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu ka degayay magaalada Garowe ayaa waxaa uga horeeyay ciidamo ka mid ah kuwa Ilaalada Madaxtooyada ee Koofiyo-Cas, kuwaasoo intii Madaxweynaha safarka ku jiray ka qeyb qaadanayay sugida amnigiisa.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ciidamada Ahlusuna ay u diideen in Ilaalo la socotay Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran Xaliimo Yarey inay galaan Dhuusa Mareeb, waxaana markii dambe muran ka dhashay ay sababtay in la xiro Xaliimo Yarey iyo Ilaaladii la socotay.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu ammaanka wanaagsan gobolada dalka, waxaa gacanta ku haya Ciidamada Ahlusuna oo sanadihii u dambeeyay gacan bir ah ku hayay amniga magaalada.











