Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa waxa uu jeediyay khudbad la dhageysan karo muddo 38 daqiiqo iyo 56 ilbiriqsi ah, taasi oo uu kaga hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM.
“Arrinta 1aad waxaa la ogsoon yahay in wadanka ay aad ugu baahsanayeen hay’ado Kirishtaan ah oo ku gabanayay in ay yihiin samafal, kuwaasoo ku hayay dalka boob iyo ragaadin dhaqaale, faafinayay Kirishtaanimada, anshax xumo iyo cuduro.”
“Laakiin markay Allah mahadiis hanaqadeen wilaayaatka islaamigaa, waxay bilaabeen mujaahidiintu iney daba galaan hawlaha qarsoon ee hay’aduhu ka hayeen Wilaayaatka Islaamiga, kana hortagaan ajandayaasha qarsoon ee kirishtaanku ay ka wadeen dalka. Arrintaasi way u cuntami waysay muktaar roobaw, waxayna ku bixisayin uu garabka saaro hayadaha gaalada difaacana ajandayaashooda gurracan, isagoo la lahaa xiiriro hoose, kulamo iyo shirar qarsoodiya oo uu la qaadanayay.”
“Hase yeeshee taasi kama aysan hor istaagin hogaanka mujaahidiinta inay talaaba sharciga wafaqsan ka qaadaan hay’adahaas kirishtaanka ee cawdawga ku ah umadda muslimkaah ee soomaliyeed, ilaa ugu danbayntii laga saaray gebi ahaanba wilaayaadka Islaamiga ah, laakiinse Mukhtaar Roobow ayaa isna sii waday xiriiradiisii iyo ballan qaadyadiisa, isagoo in badan ku goodin jiray inuu ka baxayo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kana hadlayo warbaahinta cadawga, kana dhaleeceynayo hadaan looyeelin sida uu doonayo.”
Cali Maxamuud Raage, ayaa arrinta 2aad ku sheegay in Abuu Mansuur uu doonayay in Shabaabku u hogaansamaan dalabaadka qaar ka mid ah dowladaha caalamka, oo ahaa in ay wada hadalo la furaan, taasoo ujeedada laga lahaa uu ku sheegay in la kala jebiyo Shabaabka, hase ahaatee ay ka hortaggeen.
“Arrinta 3aad ee ay isku hayeen mukhtaar roobow iyo mujaahidiintu ayaa ah mid caqadiya sida uu asaguba sheegtay taas oo ah mawqifka diiniga ah ee waajibka tahay in laga qaato waxa loogu yeero beesha caalamka ama waxa la dhaho qawaniinata dawliga ah, kaas oo ay xarakadu ka qaadatay mowqifkii Nabiyyullaahi Ibraahiim CS kadibna Nabi Muxammad Caleehi Salaatu Wasalaam, ay ka qaateen dawaaqiida calamka.”
“Go’aankaasina uma cunanmin Muqtaar Roobow, aakhirkiina waa tan keentay inuu u hogaansamo waxa loogu yeero beesha caalamka iyo Dowladda Somaliya, ee ay beesha caalamku dhisatay, si ay ugula dagaalamaan ku dhaqanka Sharciga Alle.”
“Qorshaha ay gaaladu damacsaneyd ee Roobowna uu waafaqay ayaa aheyd in ciidan lagu diyaariyo gudaha wilaayaadka Islaamiga ah, Roobowna uu qaato hirgelinta abaabulka ciidan, dhaqaalaha iyo hubka ku baxayana ay bixiso dowlada mareykanka, iyadoo gacan saar kala yeelaneyso dowlada itoobiya. Allah mahadii waxaa ah in hubkii ay gaaladu usoo dhiibtey in badan oo kamid ah ay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen. Hadafka ay lahaayeen gaaladuna wuxuu ahaa in ay ugu suureeyaan ummada inuu yahay dagaal u dhaxeeyo dad muslimiin ah ka hor tageen, gacantana ku dhigeen hub ay shisheeyuhu u soo dhiibeen.”
Ugu dambeen Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) , ayaa ku hanjabay inaanay Abuu Mansuur u suurtageli doonin damaca iyo danaha uu shisheeyuhu la leeyahay.











