Faah-faahin: Qarax lala beegsaday Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya Gobalka Gedo ayaa sheegaya Qarax khasaaro geystay in  lala beegsaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay Wateen Ciidamada Kenya kuwaasi oo kula Socdaalayey Deegaano ka tirsan Gobalka Gedo.

Qaraxa oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo Ciidamo Kenyaati ah oo Marayey Duleedka Deegaanka Fafaxdhuun xili ay ku wajahnaayeen Gudaha Deegaankaasi waxaana Qaraxa uu wax yeeleeyay qaarka mid ah Gaadiidka Dagaalka kenya.

Qaraxa ayaa bur-buriyey gaari Beebe ah oo ka mid ah kolonyada Ciidamada Difaac Kenya ee ku sugan Gobalka Gedo.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Fafaxdhuun ayaa warbaahinta u Xaqiijiyey inay maqlayeen jugta Culus indhahooduna ay qabteen uuro Cirka isku shareertay.

Wararka ayaa intaa ku sii daraya in ciidamada kenya Diyaarada nuuca qumaatiga u kaca ah ay goobta ugu timid inkastoo aan la ogeyn inay goobta ay ka qaaday askar ku waxyeelowday qaraxaas.

Dhanka kale war ka soo baxay al-shabaab ayaa lagu sheegay inay khasaaro ku gaarsiiyeen qarax ay jidka ugu xabaaleen Kolonyo ciidamo kenyaati ah meel aan sidaas uga fogeyn deegaanka Fafaxdhuun ee Gobalka Gedo.