Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si adag uga hadlay sababaha hortaagan in uu furmo Shirka aayaha Gobalka Banaadir.
Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir C/laahi Xaaji Ereg ayaa muujiyey inay ay jiraan shaqsiyaad ka soo horjeeda in Bulshada Magaalada Muqdisho ay ka tashadaan Masiirkooda.
Waxa uu cadeeyay in ay wadaan qorshe lagu dhisayo Maamul Gobaleed ugaar ah Gobalka Banaadir kaasi oo la Wareegaya Mas’uuliyadda Amniga,Siyaadasada iyo dhaqaalaha Gobolka.
Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaaraha Xukuumada Federaalka ayaa wararku sheegayaan inay ka soo horjeedaan dhismaha maamul Gobaleed uu yeesho Gobalka Banaadir waxaana ay u arkaan in Culusyo kala duwan iyo loolan Siyaasadeed oo ay Wajahdo Dowladda oo ku Kooban Magaalada Muqdisho Maadaama dalka intiisa kale ay ka jiraan Maamul Gobaleedyo.











