Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow Gaaray Magaalada Gaalkacyo.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay boqolaal ka mid ah Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha , Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay Madaxweynaha.
Maalmaha soo socda ayuu ku sugnaan doona Magaalada , isagoo kulamo kala duwan la qaadan doona qeybaha kala duwan ee Bulshadda.
Madaxweyne farmaajo ayaa safarkan ugu magac daray Safarkii nabada waxa uuna waqti badan galiyay booqashada Gobolada Mudug, Bari, Nugaal, sidoo kale waxa la filayaa inuu safarkiisa kusoo qatimo deegaanada Gobolka Galgaduud.











