Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhiga Ciidamada AMISOM ee duleedka degmada Balcad

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano hoostaga degmadaasi uu ka dhacay dagaal culus, una dhaxeeyo Xoogaga katirsan Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamo katirsan kuwa Amisom ee gobalkaasi ka howlgala.

Dagaalkan ayaa waxa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka haansheekh ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe, halkaasi oo dagaalyahano katirsan Al-shabaab ay weerar xoogan kusoo qaadeen Saldhig ciidamada Amisom ay ku lahayeen duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe.

Sida lasoo sheegayo dagaalka ayaa ahaa mid xoogan labada dhinacna ay is weedaarsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, dagaalkana uu yahay mid xoogan oo aan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ka dhacay duleedka degmada balcad ee Gobalka Shabeellaha dhexe.
Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Al-shabaab oo ku aadan dagaalkaan ka dhacay deegaanka hansheekh ee duleedka degmada balcad ee gobalka Shabeellaha dhexe.

Waxii kusoo kordha kala soco Warbaahinta Goobsan