Qarax Gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Taleex ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goor dhow uu ka dhacay Qarax Gaari.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay Gaariga qarxay in ay saarnaayeen laba ruux, oo midi uu gaariga kaxeynayay, halka midka kalena uu fadhiyay kursiga kale ee shirka.

Labada ruux ee Gaariga saarnaa ayaa dhaawac uu soo gaaray, ninkii gaariga kaxeynayay oo magaciisa lagu soo koobay Catoosh ayaa dhaawac culus uu soo gaaray, sidoo kale gaariga oo nuuciisa uu ahaa kuwa raaxada ayaa burbur xoogan uu soo gaaray.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay qaraxan nuuciisa inuu ahaa midka loo yaqaano dhejiska, hadana ay wadaan baaritaano kale, oo la xiriira shaqsiga qaraxa lala beegsaday waxa uu yahay.

Ciidamada ayaa xiray afarta jiho ee wadada qaraxa uu ka dhacay, halkaasi waxaa ku soo xoomay dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo eegaya sida ay wax u dhaceen.