Juxa oo sheegay in Koox ama Shaqsi gaar ah aysan xaalada dalka waxba ka qaban karin

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Raisulwasaare Xasan Cali kheyre  Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo maanta xilka wareejiyay ayaa sheegay Soomaaliya siyaasad ahaan meel fog laga yimid, islamarkaana loo baahan yahay talo wadaag iyo isu dulqaadasho.

Waxa uu sheegay Juxa in dalka uu dhaqaale ahaan uu sabool yahay, islamarkaana kalsoonida shacabka ay kala daadsan tahay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in koox kaliya iyo shaqsi kaliya aanay xaalada dalka wax ka qaban karin.

“Intii burburka inagu dhacay sanadihii u dambeeyay waxa ugu weyn ee na soo maray waa Wadaad kaa fikir duwan oo kugu dhufta Shabadda Cadaabta ama Madax ka fikir duwan tahay oo kugu dhufata shabadda Mucaaradnimada ama qaran dumis”ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa.

Raisulwasaare Xasan Cali kheyre ayaa 4-tii bishaan Xilkii ka qaaday Cabdi Faarax Saciid Juxa oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha,waxaana booskiisa loo magacaabay Cabdi Maxamed Sabriye.