Qarax lala eegtay Ciidamada dowladda oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Qaraxan ayaa waxa uu dhacay Wadada dheer ee Warshadaha meel aan sidaas uga fogeyn Warshadii hore ee Taraqa iyo Sigaarka.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay gaariga Taliyaha Booliska Saldhiga Degmadda Deyniile Abtidoon oo xiligaas gaariga aan saarneen,waxayna waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah ilaaladiisa.

Qaraxan ayaa ahaa Miinada dhulka lagu aaso taasoo lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka waxaana loo malaynayaa inuu jiro Qasaare ka dhashay qaraxaas ayadoona la arkayay Gaadiidka Gurmadka deg dega oo kusii socda halka uu qaraxa ka dhacay.

Ma jirto Cid si rasmi ah u xaqiijin karta Qasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa Miinada Nuuca Remote Control-ka ah balse dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in ay arkayeen ilaa Sedex Askari oo dhaawac ah iyo dhimashada hal Askari.

Ciidamada Dowladda ayaa soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayagoona gar gaar u fidinayay Ciidamadii ku waxyeeloobay Qaraxaas sidoo kale waxa ay muddo kooban xireen Halkii uu Qaraxa ka dhacay ayagoona baaritaano ka sameeyay halkaas.