Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidmada Maamulka Soomaaliland ay saakay weerareen deegaanka Tukaraq oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka Puntland.
Dagaal kooban oo mudo socday ayaa la soo sheegayaa in uu halkaasi ku dhexmaray labada ciidan taas oo ugu dambeyn sababtay in Ciidamada Soomaaliland ay deegaankaas la wareegaan.