Yaa ka Danbeeyay Dilkii Cali Nuur Shuute ?

War kasoo baxay maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda dil xalay Degmadda Dharkinley ee Gobolka banaadir loogu geystay Cali Nuur Shuute oo ahaa aabaha Gudoomiyaha Maxakamdda Darajadda koowaad ee Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Soomaliya Xasan Cali Nuur Shuute.

Al-shabaab ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan dhankooda ay fuliyeen dilka, islamarkaana uu dhacay xiligii salaadda maqrib kadib.

Waxaa lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab in Cali Nuur Shuute uu ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaliya islamarkaana uu ku magacownaa dhanka Waaxda dhul bixinta,waxeyna ragga hubeysan sarkaalkaasi ka toogteen qeybaha sare ee jirka.

Markuu dilka dhacay kadib waxaa goobta gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaliya iyagoona halkaas ka sameeyay howlgal lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay dilka.

Waa dilkii Labaad ee sanadkaan 2018-ka ka dhaca Magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaliya, xili xalay Degmadda waabari lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaliya.