SAWIRRO: Wararkii ugu dambeeyay Weerarkii lagu qaaday Guriga Senitor Cabdi Qaybdiid

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta Weerar ku qaaday Guriga Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale” Qeybdiid”

Waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay kusoo qaadeen Weerar Abaabulan.

Waxa uu sheegay in mid Kamid ah ilaaladiisa la Jirdilay, Qolalka Gurigiisa la Jajabiyay, Baaris badan laga sameeyay Hoygiisa iyadoon aan wax fasax ah looga heysan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Gaari dagaal Gurigiisa lagu hor jaray ka dibna, Qoryo lagu qabtay Ilaaladii Gurigiisa.

Howlgalkan ayuu ku timmaamay mid sharci darro ah maaddaama isaga uuyahay Xildibaan ka mid aha qalka sare ee dalka Oggolaansho la’aanna aan la geli karin Gurgiisa.

C/Qeybdiid ayaa ka maqnaa Guriga xilliga ay Ciidamada tagayeen waxaase uu tagay kaddib markii ay Ciidamada baaritaanka sameeyeen.

Hadaba Weerarkaas ayaa waxaa ka hadlay Madax ka tirsan dowladda Federalka Somalia uu ugu horeeyo madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya.

Maxuu ka yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si deg deg ah uga hadlay Weerarkaas oo Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen Guriga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Madaxweynaha ayaa sheegay in falkaasi uu kuu amray taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gorod in uu baaris deg deg ah ku sameeyo.

Sidoo kale Cidii ku lug yeelatana Sharciga lala tiigsan doono

Maxuu ka yiri Wasiirka Amniga Islow

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa isna sheegay in dowladda ay sida ugu dhaqsiyaha badan Sharciga u horkeeni doonto cidii ka dambeysay Falkii ka dhacay Guriga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale” Qeybdiid”

Waxaa uu sheegay in baaris deg deg ah ay sameyn doonaan.

“Ciddii ka danbeysay falka ka dhacay Guriga Senator Cabdi Qeybdiid sharciga ayaa la horkeeni doonaa, sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Gudoomiye Taabid oo booqday Hoyga Cabdi Qaybdiid

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa isna booqday Guriga Senator Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale ” Qeybdiid” oo ay weerareen Ciidamo ka tirsan dowladda.

Gudoomiye Taabid ayaa sheegay in uu ahaa wax laga xumaado falka lagu weeraray Guriga Xildhibaanka isla markaana si deg deg ah baaritaan loogu samayn doono arrintaas foosha xun.

Halkeebay ka tirsanaayee Ciidamada Weerarka geystay

Ciidamada Weeraray Hoyga Senitor Cabdi Qaybdiid ayaa la Sheegay in ay yihiin ciidamo ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta oo Muqdisho ka howlgalla.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay loogu Wareejiyay ciidamada ay tababartay  dowladda Imaaraadka  oo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.