Ciidamada NISA oo howlgalo baaritaano ah ka wada Hoyga Senitor Cabdi Qaybdiid

Warka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow ay Ciidamada NISA ay galeen Guriga Senetor Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ay ka wadaan baaritaano xoogan.

ma jirto wax hordhac ah oo laga haayay Cabdi Xasan Cawaale lamana oga ilaa iyo hadda waxa keenay in Ciidamada NISA oo si heer sare ah u qalabeysan ay baaritaano ka bilaabaan Hoyga Siyaasigan kana tirsan Golaha Aqalka sare.

17-da bishaan ayay ahayd markii Ciidamada NISA ay weerarreen Siyaasi Cabdiraxmaan C/shakuur halkaasna ay ku dileen dhowr nin oo ilaaladiisa ah isla markaana Xabsiga u taxaabay Cabdiraxmaan cabdishakuur.

Waxii war oo kusoo kordha Baaritaanka Hoyga Cabdi qaybdiid kala sooco Goobsan.com