Xiisad dagaal ayaa wali ka taagan degaano ku yaalla xadka ay wadaagaan gobolada Sool iyo Nugaal ee maamulka Puntland ka dib markii halkaasi maalmhii lasoo dhaafay ku dagaallamaayeen Maleeshiyo Beeleed hubeysan.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa wali ku sugan degmada Burtinle ee Nugaal si loo dhex dhaxaadiyo beelaha dagaallamaya.
Waxgarad badan oo ka yimid gobolada Nugaal, Mudug iyo Sool ayaa wali ku sugan degaano u dhow meelihii lagu dagaallamay.
Dagaalkan oo salka ku haya aano Qabiil iyo Dhul-daaqsimeed ayaa la sheegay in uu qarxay ka dib markii mid ka mid ah Maleeshiyaadka beelaha Walaalaha ah ee dirirtu ka dhaxeyso ay duulaan ku qaadeen degaan ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad kale.
Dagaalkii shalay ka dhacay Degaanka Xoorre ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 6 qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.
Dhaawacyo badan ayaa xalay la geeyay Isbitaallada Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Laascaanood.
Dagaalka beelahaan ayaa soo jiitamaayay sanado badan, waxaana uu dib u qarxay horaantii sanadkaan.