SAWIRRO: Howlgal lagu baadi goobayo Shabaab oo ka dhacay deegaano hoostaga Bardaale

Ciidamada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Booliska gaarka ayaa maanta ku dhaqaaqay degaano hoostagga Degmada Bardaale oo lagu sheegay xubno Shabaab ka tirsan.

Hawlgalka ciidanka oo ahaa mid qorsheysan, maadaama ay ku baxeen ciidanka xog rasmi ah oo ku aadan meelo looga soo sheegay inay Shabaab ku sugnaayeen.

Taliyaha Ciidamada hawlgalada ee Degmada Bardaale Madguud Macalin ayaa Warbaahinta waxa uu u sheegay in deeganadii ay tageen ay ka waayeen Shabaab.

Wuxuu sheegay Shabaabka inay ogaadeen ciidamada huwanta inay ku soo socdaan, islamarkaana ay isaga baxeen deganadii ay ku sugnaayeen.

Ciidamada Koonfur Galbeed, ayaa maalin kasta sameeya hawlgalo la sheegay inay ku bartilmaameedsadaan Shabaab, balse lama haayo natiijo rasmi ah.