Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo maanta Maxkamadda Gobolka Banaadir ay sheegtay inuusan laheyn wax dambi ah, wixii hada ka dambeeyana uu yahay fasax ayaa wuxuu ka hadlay go’aanka Maxkamadda.
Marka hore C/raxmaan C/shakuur ayaa waxa uu u mahadceliyay Odayaasha dhaqanka Muqdisho, iyo dhammaan dadkii ka soo qeyb qaatay sidii uu banaanka ku imaan lahaa.
Wuxuu sheegay cadaalada in ay guuleysatay, isaga oo sidoo kale sheegay weerarkii lagu qaaday in lagu dilay ilaaladiisa, laguna burburiyay hantidiisa, wuxuuna tilmaamay in Dacwadda qeybteeda hore ay dhamaatay, wixii hada ka dambeeyana ay furmi doonto qeybteeda labaad.
C/raxmaan C/shakuur oo baaq u diray madaxda dalka ayaa sheegay in laga gudbay xilligii qori dalka lagu maamulayay, xilligii dalka dib loo celinayayna aanan la joogin.
Sidoo kale labada Guddoon ee Baarlamaanka iyo Aqalka Sare ayuu ugu baaqay in ay sharciga la tiigsadaan cid walba oo sharciga ka weynaato.