Siyaasiga Cabdiraxmaan C/Shakuur oo dib u helay Xuriyadiisa

Waxaa goor dhow la sii daayay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo habeenkii axada aheyd ay ciidamada ammaanka xabsiga u taxaabeen, kaddib markii weerar dhiig ku daatay ay ku qaadeen gurigiisa.

Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xuldhibaano ayaa oo saacado badan la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay.

Heshiiska lagu sii daayay oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa saxiixay Odayaasha Dhaqanka, Wasiiro ka socday Xukuumadda iyo C/raxmaan C/shakuur qudhiisa.

Wararka ayaa sheegaya in loo balamay in maalinta berri Maxkamad la aado, waxaana qaabka sii deyntiisa tahay qaab damiin ah

Xildhibana Axmed Macalin Fiqi ayaa goor dhow qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in la la sii daayay C/raxmaan C/shakuur

“Ugu danbeyn Siyaasi C/raxmaan C/shukuur xabsigii wuu ka soo baxey, haddii uu ku jiri lahaa qaran dumisnimo iyo khiyaano qaran sida ay ku andacoonayeen sharcigu ma ogolaadeen in la damiinto ama la soo daayo, Dhammaan intii sharciga iyo xaqqa u hiilisay ee garab istaagtay C/raxmaan C/shukuur waa ku mahadsan yihiin”ayuu yiri Axmed Fiqi.

Dhinaca kale C/raxmaan C/shakuur oo ay wehliyaan Mas’uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaa xilligan ku sugan Guriga Iimaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf.

Lama oga waxa xigi doono Sii deynta Cabdiraxmaan cabdi shakuur balse waxaa ay sheegeen Xubno ka tirsan Xisbiga Wadajir in ay si sharci ah Xaquuqda C/raxmaan C/shakuur u raadin doonaan iyo dhamaan dhibanayaashi ku geeriyooday weerarki lagu qaaday hoyga Masuulkaas.