Wararka ka imaanaya duleedka Boosaaso ayaa sheegaya in qarax culus oo halkaas ka dhacay lagu dilay saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa PIS-ta Puntland.
Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Galgala ayaa la kacay gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen saraakiisha PIS-ta Puntland, waxaana halkaas ku dhintay taliyihii howgallada PIS-ta Puntland oo lagu magacaabo Korneyl Galayr Xassan Yuusuf, waxaana la dhintay sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay Barkhad.
Saraakiisha PIS-ta Puntland ee qaraxa lagu dilay ayaa qayb ka ahaa kolonyo iskugu jirtay ciidamo Maraykan ah iyo kuwa la dagaalanka PIS-ta, waxay xilliga qaraxa lala beegsanayay ay marayeen nawaaxiga tuullada Galgala.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa lagu dilay taliyihii howlgallada ciidamada Puntland sida uu warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka Ciidamada Al-Shabaab Cabdi Casiis Abu Muscab.