Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay sababaha dowladda mareykanka ay u hakisay kaalmadii ay siin jirtay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed isagoo ku tilmaamay in ay ku timid hakinta codsi ka yimid dowlada Soomaaliya.
Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in dowladda Mareykanka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay si wadajir ah ugu heshiiyeen in la hakiyo kaalmada ciidanka si loo saxo qaladaadka jira.
Shir jaraa’id oo uu qabtay ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in joojinta caawinta la joojiyay ay tahay mid muddo kooban ah,mudadaasna ay dowladu dabooli doonto baahiyaha ay qabaan ciidamada.
“Waxaan bilownay in ciidamadeena la diiwaangeliyo waxaana aan ku ogaanay daraasaad la sameeyay in ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin ciidamo diiwaangashan oo aan shaqo tegin,ciidamo dhintey iyo kuwo naafo ah.”ayuu yiri ra’iisul Wasaare Kheyre.
Warka ka soo baxay maanta Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii uu ka hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka arrimaha ku saabsan joojinta ay dowlada Maraykanka ka joojisay kaalmada ay siin jirtey ciidamada Soomaaliya.