Diyaarado dagaal oo Goordhoweyd duqeyn ka fuliyay Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaliya ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay goordhaweyd duqeeyeen deegaan aan sidaas ugu fogeyn Degmada Jalalaqsi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in diyaaradaha ay dhowr gantaal ay la dhaceen saldhiga la tuhunsanyahay in ay lahaayeen Al-shabaab.

Ilaa haatan lama sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay duqeynta goordhaweyd ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Diyaaradaha Dronska ee Mareykanka ayaa mudooyinkii u dambeeyay kordhiyay duqeymaha ay ka geystaan Gayiga Soomaaliya gaar ahaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Duqeymaha Mareykanka ay fulinayaan ayay sheegaan in ay ku beegsadaan Al-shabaab balse waxaa jira duqeymaha in ay waxyeelo baahsan kasoo gaarto dad Shacab ah oo isagu jira Beeraley iyo Xoolo dhaqato.