Dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar qorshaysan waxa ay ku qaadeen saldhig Ciidamada maamulka Puntland ay ku lahaayeen deegaanka Af Urur ee duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana jira khasaaro soo kala gaaray Al-shabaab iyo Ciidamadda maamulka Puntland ee ku sugnaa saldhiga deegaankaas.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan in saldhiga lagu soo garaacay Madaafiic.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka puntland oo looga hadlaayo dagaalka ka dhacay deegaanka Af Urur ee duleedka magaalada Boosaaso balse waxaa jira Howlgalo balaaran iyo baaritaano ay ka wadaan Aagagaarka goobahii uu dagaalku ka dhacay.
Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geystaan deeganadda Maamulka Puntland xilli labo maalin ka hor qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug lagu dilay Cali Magafe oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulka Puntland.