Dhageyso: Sheekh Shaakir oo tilmaamay Kartida Ahlu-sunna kadib heshiiskii ay wada gaareen Galmudug

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in dagaalkii Gobolada qaar looga saaray Al-Shabaab ay doorweyn ku lahaayeen Ahlu-sunna taas oo keentay in uu amni noqdo deegaanada ay maamulaan.

Waxa uu sheegay in dadka ku nool Gobolada Dhexe gaar ahaan deegaanada Ahlusuna aan waqtigaan laga helin cid ka tirsan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in deegaano badan oo ku dhow dhow Gobolada Ahlusuna ay maamusho ay difaac u yihiin.

“Waxaan idiin sheegayaa in gobolada iyo Maamulda ku teedsan deegaanada Gobolada dhexe iyo dowladda Itoobiya hadii aysan jiri laheyn Ahlusuna in ay Al-Shabaab geli lahaayeen balse aan ka difaacnay anaga ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay munaasabad ay heshiis shalay gelinkii dambe ku kala saxiixdeen Maamulka Galmudug madax ka socotay..

Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Maxamed Shaakir.