Khilaaf iyo kala shaki soo kala dhexgalay Madaxda ugu sareysa ururka Al-shabaab

Khilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhex galay Mas’uuliyiinta ugu sareeya Al shabaab, taasoo sababtay in Hogaamiyaha ugu sareeya ee Axmed Diiriye uu u baxsado Gobalka Gedo.

Taliyaha Qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Ismaaciil Saxardiid ayaa Wakaalada SONNA u sheegay in Hogaamiye Axmed Diiriye oo ugu sareeya Al shabaab ay isku dhaceen Amiir la yiraahdo Fiidow oo inta badan Al-shabaab u qaabilsan Koonfurta Soomaaliya.

Fiidow ayaa ka mid ah kuwa ugu sareeya Al shabaab, waana shaqsiyada ay ka go’do talada kooxda marka laga soo tago Axmed Diiriye oo ah Hogaamiyaha koowaad ee kooxda Alshabaab, Fiidow waa shaqsi Galaagal xoog badan ku dhex leh Al shabaab, taasoo keentay inuu Axmed Diiriye  Gobalka uu muddooyin badan ku noolaa ka cararo.

Taliyaha ayaa sheegay in ay heleen xogo ku aadan sababaha keenay Khilaafka Mas’uuliyiinta ugu sareeyo Al shabaab, waxaana ka mid ah, ka dib markii ay kordheen Hawgalada Dhulka iyo Cirka oo ciidamada xoogga dalka iyo Saaxibada Beesha Caalamka ay ku beegsanayaan Al shabaab waxaa soo kala dhex galay kala shaki ah dhexdooda.

Ka dib markii uu dhacay Qaraxii Isgoyska Soobe 14-kii bishii Octoober ee sanadkan waxaa dagaalka guud ahaan dalka looga saarayo Al shabaab ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Foojignaan dheeri ah iyo cadaadis xoogan oo soo wajahday Alshabaab ayaa sidoo kale sababay Khilaafkooda oo gaaray heerkii ugu xumaa, waxaana ay isku mari la’yihiin deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan oo qaarkood ay cabsi ka qabaan in ay is shirqoolaan waana mida keentay Khilaafka dhexdooda ah.

Taliyaha ayaa dhinaca kale sheegay in waayihii ugu dambeeyay uu jiray khilaafkan wuxuuna kaliya ku koobnaa Awooda iyo Dhaqaalaha, iyadoo Hogaamiyayaasha Al shabaab ay isku fahmi waayeen sida loo maareynayo dhaqaalaha usoo xarooda iyo cida looga dambeynayo, waxaana Fiidow iyo Rag kale oo ururka galaangal ku leh ku jira damac ah inay talada kala wareegaan Axmed Diiriye oo ah Nin aamusan oo aan hadal badneen.