SAWIRRO: Taliye ka tirsan Ciidamada puntland oo ku geeriyooday qarax loogu xiray Gaarigiisa

Qarax gaari lagu xirey ayaa saakay waxa uu ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhanka Maamulka Puntland.

Qaraxaan ayaa waxaa gaarigiisa loogu xirey Taliyihii saldhiga Cusub ee Suuqa Gaalkcayo dhinaca Madaxtooyada Puntland  Cali Ibraahim Cali (Cali Magafe), kaasi oo qaraxa ku dhintay.

Taliyaha dhintay ayaa la sheegay in uu ka yimid hoygiisa magaaladda Gaalkcyo,markii uu gaariga la qarxaayey.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo katirsan Maamulka Puntland oo howlgal ka sameyaay.
Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa lagu khaarijiyay taliyihi Saldhiga qeybta Gaalkacyo.