Hogaamiyaha Al-Shabaab Oo lagu Arkay Gudaha Gobolka Gedo

Hogaamiyaha guud ee Urur ka Al-Shabaab Axmed Diiriye (Abuu-Cubeyda) iyo Maleeshiyaad fara badan oo uu horkacayay ayaa lagu arkay degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.
Amiirka Alshabaab ayaa la sheegay inay la socdaan ciidamo badan oo ilaalo u ah, waxaana dadka degaanka Ceel-cadde ay ku arkeen duleedka magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobalka Gedo,
Ciidamada Alshabaab ayaa lagu qiyaasay in ka badan 2000 dagaalame, taasoo shaki ku dhalisay dadka degaanka oo soo weriyay in isla degaankaasi lagu arkay diyaarado joog hoose ku duulaya.
Waxaa shaki weyn laga muujiyay ciidamada fara badan ee Alshabab kala soo baxeen Gobolka J/Dhexe una soo gudbay Gobolka Gedo, iyadoo aanay jirin cid xaqiijisay arrintan ayaa haddana waxaa loo maleynayaa inay kasoo wareegteen cadaadis uga yimid diyaaradaha dagaalka Mareykanka.
Maleeshiyada Alshabaab ee u gudubtay Gobolka Gedo ayaa la sheegay inay wataan gaadiid dagaal oo fara badan iyadoo degaanada Gobolka Gedo ay leeyihiin buuro iyo goobo looga dhuuman karo diyaaradaha dagaalka.