Warar dheeraada ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.
Dagaallada ayaa yimid kadib markii ay ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya iyo Kuwa Maamulka Jubbaland.
Wararka ka imaanaya deegaanka Hoosingoow ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al Shabaab ay xalay saqdii dhexe dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamada Kenya waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo saacada ah socday.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in weerarakii xalay ka dhacay deegaanka Hoosingoow khasaara dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalka mudada sacada ah socday inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin qasaaraha soo kala gaaray.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Kenya ay madaafiic ku garaaceen dhulka Howdka ah ee ku hareeraysan Hoosingoow balse lamasoo sheegin khasaara dhashay madaafiicdaasi.