Wafdigaan ka socday dowladda Qtar ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka koobnaayeen illaa iyo shan xubnood, waxaana ku jira agaasimayaasha hay’addaha hormarinta dowladda qadar.
Wasiirka Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan, Wasiirka Amniga gudaha H.E. Mr. Mohamed Abukar Islow iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa maanta si diirran ugu soo dhoweeyay wafdigaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Wafdiga ayaa waxa ay la kulmeen Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya,waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood, waxa uuna Ra’isal Wasaaraha xubnahaan ka codsaday iney hirgeliyaan barnaamijyada mashaariicda ah ee dowladda qadar ay Soomaaliya ka wado.
Dhanka kale Dowladdaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa kala saxiixday heshiisyo hormarineed oo labada dhinac ah.
Hay’addaha hormarinta dowladda Qadar ayaa Soomaaliya ka fulinaya mashaariicyo hormarineed.
Mashaariicda hormarineed ee Soomaaliya laga fulinayo waxaa ka mid ah dhismaha Jidadka iyo waxbarashada.
1-Dhismaha Wadada Muqdisho – afgoye
2-Dhismaha Wadada Moqdishu – Jowhar
3- dayactirka Dhismaha Xarunta Xizbiga Oo Noqon Doonta Xarunta Xukuumada Eey Ku shaqeeyso Si Culeyska Looga Qaado Vila Somalia
4-Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta
Machadka Diblomasida Ee Wasaarada Arimaha Dibadda
5-Shaqo Abuur Iyo Deeqa Waxbarasho
6-Xarunta Dowlada Hoose Oo Dayactir Loogu Sameyno
Waxa ku baxaya mashaariicdaasi lacag gaareysa 200 oo milyan.
Wasiirka Wasaarada qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in dowladda QaTar ay kaga mahad celinaya howlaha muhiimka ah oo ay ka wado Soomaaliya.
Agaasimaha guud ee Hay’ddaha Sanduuqa hormarinta Qatar Khaliifa bin Jaasim AL kawaari ayaa sheegay in mashaariicdan hormarineed ay qeyb ka tahay mashaariicyo badan oo ay ka fulin doonaan Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in howlahaan ay xoojinayso xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Qatar.
Heshiiskan ay maanta kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Qatar ayaa jawaab u ah xiriiro kala duwan oo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Qatar ay lahaayeen muddooyinkii ugu dambeeyay si loo taabageliyo maashaariic horumarineed oo dhaxalgal ah, waxaana mashaariicda ay kala saxiixdeen ka mid ahaa shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.