Burcad badeed Soomaaliyeed oo laga badbaadiyay Markab Ganacsi

Ciidamada badda dowladda Iran ayaa fashiliyey weerar weyn oo burcad-badeed ku qaadday markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Iran kaasi oo marayay gacanka Cadmeed.

The Alvand 48 oo ah markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamadda Badda Iran ayaa markabka ka badbaadiyey weerarka burcadda oo saarnaa 7 laash,meel u dhow marinka Bab el-Mandeb subaxnimadii Isniinta.
Markabka ganacsi oo siday xamuul qiimihiisu yahay malaayiin Dollar,ayaa gurmad weydiistay The Alvand,wuxuuna u weecday dhinaca xeebta,taasoo burcadda ku khasabtay in ay cararaan, sida lagu baahiyay wargeyska iran-daily.com.
Alvand 48,ayaa 2-dii bishii Sep halkaasi yimid si u xoojiyo awoodda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee biyaha caalamiga ah iyo ilaalinta marinnada badda.
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka badda Iran Admiral Habibollah Sayyari ayaa bishii September sheegay in lixdii sano ee tegay ciidankooda baddu ay galbiyeen 4,200 doonyo iyo maraakiib ganacsi ah.
Sannadihii u dambeeyey Ciidanka badda Iran ayaa siyaadiyey joogitaankooda biyaha caalamiga ah,si ay u ilaaliyaan marin-biyoodka,islamarkaana nabad ugu gudbaan doonyaha ganacsi iyo maraakiibta,Iyadoo lala jaanqaadayo dadaalka caalamiga ah ee la-dagaallanka burcad-badeedda.
Sidoo kale waxaa dib usoo laabtay bilihii dambe weerarada ay geystaan kooxaha Burcad Badeeda Soomalida ee lagu qaado Maraakiibka isticmaala gacanka Cadmeed.