Meydadka laba Ruux oo Gowracan oo laga helay Degaanka Daniga

Wararka naga soo gaaraya degmad balacad ee Gobalka shabeellaha dhaxe ayaa ku waramaya in halkaasi rag hubeysan oo loo maleynaayo iney katirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ay ku gowraceen laba ruux oo dadka deegaanka ka mid ahaa.

Ragaan ayaa la sheegay iney xalay weerar kusoo qaadeen deegaanka daniga oo duleedka kaga beegan Degmada Mahadaay halkaasina ay ka ka xeysteen qaar kamid ah dadka deegaanka, kadibna dadkaasi ay soo kala direen intooda badan marka laga reebo laba ruux oo halkaasi ay ku Gowraceen.

Qaar kamid ah dadka degaanka oo la hadlay idaacad ku taalo Muqdisho oo lagu magacaabo Simba ayay u sheegeen iney rag hubeysan ay soo Weerareen deegaanka halkaasina ay ka ka xeysteen qaar kamid ahaa dadka deegaanka balse dadkaasi ay iska soo fasaxeen intooda badan dadkii ay kaxeysteen marka laga reebo laba ruux oo fal  Gowrac ah ay kula dhaqaaqeen.

Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Gobalka shabeellaha dhexe oo ku aadan labada ruux  ee lagu gowracay deegaanka daniga oo dhaca duleedka Degmada Mahadaay ee shabeellaha dhaxe.

Dhanka Xarakada Al-shabaab iyana kama aysan hadlin weerarkaasi lagu gowracay labada ruux maadama ay ka ag dhaw yihiin Ciidamo iyaga ka amar qaata oo ku sugan deegaano hoos taga degmada mahaday ee Gobalka shabeellaha dhexe.
Mararka qaar Gobalka shabeellaha dhexe sidaan oo kale waxa uga dhaca dilal lamid ah kan oo kale.