Generaal Maxamed Axmed Tareedisho taliyaha Guudatada 52,aad qeybteeda 21,aad ee ka howlgalla Xadka kulmiya Gobolada Galgaduud, Hiiran iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Shabaab ay soo gaareen Gobolada Dhexe.
Waxa uu sheegay in Saraakiishaan Al-Shabaabka ah ay ka soo baxsadeen duqeymaha ay Diyaaradaha Mareykanka ka wadaan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in marnaba aysan u ogolaan doonin in Al-Shabaab qax ah in ay soo galaan Gobolada Dhexe ayuu yiri taliyaha.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Saraakiisha Al-Shabaab iyo Ciidankooda ay galeen Buuraha Galgala,sidaas darteedna ay dalbanayan in Buurahaas laga saaro.
Dhaka kale Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa ayagana dadaal iyo howlgalo dheeri ah ka bilaabay dhulka buuraleyda ah ee Gobolka Bari.
Sidoo kale waxaa jiray Garab ka mid ah Al-shabaab oo lagu magacaabo Jeshal Al-ayman, waxa ayna xoogooda ka dagaalmi jireen dhulka Howdka ah ee Boni waxa ayna u badnaayeen Ciidamo ajaanib ah ee kasoo kala jeeda Kenya, Zanzibar, iyo wadamo kale oo Bariga Afrika ah waxa ayna bilaabeen in ay ka baxsadaan duqeymaha ay diyaaradaha Mareekanka ka fulinyaan dhulka Howdka ah ee Gobolada Soomaaliya halkaasoo ay ku jiraan Ciidamo Shabaab ah.