Hogaamiyaha Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka hadlay caqadaha haysta wadahadalada Ahlusuna waljameca iyo Maamulka Galmudug.
Axmed Shaakir oo maalmihii dambe ku sugnaa Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa sheegay in dad badan ay caqabad ku yihiin wada-hadalka Ahlusuna iyo Galmudug, islamarkaana aysan doonaynin in heshiis la gaaro.
“Waxa ogtihiin marwalbo waa nala dacaayadeyaa wax walba waa nagala sheegaa laakiin dadka ma oga xaqiiqda jirta marwalbo oo naloo yeero ama Gobalada dhexe nagula yimaado inaga waxa dhaheynay idiinkaa aya wakiil inaga ah hadana warar been abuur ah ayaa nagala baahiyaa”,ayuu yiri Madaxweyne Sheikh Shaakir.,
Ugu dambeyntii Sheikh Maxamed Shaakir Madaxweynaha Ahlusuna ayaa sheegay in dhamaan heshiisyo horay loo galay ay dowlada dhexe ka baxday laga soo bilaabo dowladii Madaxweyne Xasan Sheikh ilaa Dowlada Madaxweyne Farmaajo walina ay jirto caqabada lagu hayo wada hadalada Galmudug iyo Ahlusunna.
Dhawaan waxaa Magaaladda Nairobi ee Caasimadda dalka kenya lagu soo gaba-gabeeyay wajiga kowaad ee wada-hadalka Ahlusuna iyo Galmudug, iyadoo wajiga labaad uu ka dhici doono dalka Jabuuti dhamaadka bishaan.
Halkan ka dhageyso Codka Maxamed Shaakir