Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdirashiid C/laahi Maxamed ayaa ka hadlay duqeymaha diyaaradaha dowladda Mareykanka ay ka fuliyaan saldhigyadda dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab iyo Ururka Daacish.
Waxa uu sheegay in duqeymihii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Koonfurta dalka Soomaliya in ay wiiqeen awoodii ay lahaayeen Xarakadda Al-shaabab , islamarkaana lagu dilay Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.
“Duqeymaha ay ka fuliyaan diyaaradaha dowladda Mareykanka gudaha Soomaliya wax badan ayay soo kordhin karaan, duqeymihii ugu dambeeyay waxaa lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano shabaab ahaa, runtii dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo Daacish habka loogu guuleysan karo waa in la duqeeyo saldhigyadda ay ku sugan yihiin”, ayuu yiri Cabdirashiid C/laahi Maxamed Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga ee Xukuumadda federaalka Soomaliya.
Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay duqeymaha ay ka geystaan Soomaliya, iyadoo sanadkaan 2017-ka Soomaliya ay ka geysteen 28-weerar oo lagu qaaday Saldhigyadda Al-shaabab iyo Daacish.
halkan ka dhageyso codka Wasiirki hore