Diyaarado duqyn ka fuliyay deegaan ka tirsan Jubbada Hoose

wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose  ayaa ku waramaya in jug culus laga maqlay degaano hoos yimaada Gobalkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa ku waramaya iney maqlayeen dhowr madfac oo diyaarado dhanka hawada ah ay kaga tuurayeen Tuulada Baqdaad oo hoostagta Degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose, balse dadka degaanka ayaa ka gaabsaday iney xaqiijiyaan qasaaraha ka dhashay Duqeyntaasi.

Saraakiil katirsan Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa sheegay in Dhowr Madfac lagu dhuftay Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Tuulada Baqdaad, inkastoo sharaakiisha Jubbaland ay ka gaabsadeen iney bixiyaan faah faahin intaasi ka dheer oo ku aadan duqeynta lagu weeraray Tuulada Baqdaad.

wali wax war ah kama soo bixin Xarakada Al-shabaab oo ku adan duqeynta la sheegay in lala bartilmaameed saday Fariisimo Ciidamadooda ay ku sugnayeen, lamana xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ee ka dhashay duqeyntaasi maadaama aysan dowlada iyana ka hadlin duqeynta la sheegay in lala eegtay saldhigyada Al-shabaab.

Bilihii u dambeeyay Ciidamada  Maraykan ee ku sugan Gudaha Somaaliya waxay labanlaabeen howlgalada iyo duqaymaha cirka ee lala beegsanayo saldhigyadda iyo Madaxda Sare ee  Xarakada Alshabaab ee ku sugan Somaaliya, inkastoo duqeymahaasi qaarkood ay galaafteen nolasha Hogaamiyaal Ajaanib Somaali isugu jiro oo Al-shabaab katirsanaa