Akhriso: Sababaha keenay dib u dhaca magacaabista Golaha Wasiirada Hirshabeelle

Dhismaha Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa weli ku horgudban qodaxyo sababay in mar kale dib u dhac uu ku yimaado ku dhowaaqisteeda.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa kulamo habeen iyo maalin  soconayay la lahaa maalmihii la soo dhaafay xildhibaanada iyo oday dhaqameedyada beelaha dega dowlad goboleedka Hirshabelle.

Hase yeeshee waxaa soo baxaya ishaysad u dhexeeya xildhibaanada iyo oday dhaqameedyada beelaha, kaasoo la xiriira xilalka golaha wasiirada ay beel walba heleyso.

Oday dhaqameedyada ayaa doonaya inay geeyaan xubintii beesha uga mid noqon lahayd golaha wasiirada, halka xidhibaanaduna ay doonayaan inay u gudbiyaan Madaxweynaha xubintaas.

Balse waxaa jira caqabado kale oo ku horgudban soo xulista golaha wasiirada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Qaar kamid ah beelaha ayaa ku hanjabay inay joojinayaan la shaqeynta dowlad goboleedka Hirshabeelle, haddii aysan ka helin xil sare golaha wasiirada.

Beesha Saddex Maxamed ama Caloofi oo ka mid ah beesha Gaaljecel ayaa oday dhaqameedyo iyo waxgaradkeeda kulan ay ku yeesheen magaalada Jowhar waxa ay ku sheegeen inay kalsoonida kala noqonayaan haddii aan beesha ka helin xubintii ay mudneyd.

Nabadoon Shiine Xaaji Cabdulahi ayaa sheegay in beeshiisu ay joojin doonto la shaqeynta dowlad goboleedka Hirshabelle haddii aan la siin xuquuqda ay ku leedahay dowlad goboleedka Hirshabelle.

Shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Jowhar Nabadoon Shiine Xaaji Cabdulaahi ayuu ku sheegay in dhammaan wixii dhaqaale ah  oo ay beeshu ku biirin jirtey dowlad goboleedka Hirshabelle ay joojin doonto.

Caqabadahaas iyo caqabado kale ayaa waxaa weli ay hortaagan yihiin in Madaxweyne Waare uu ku dhowaaqo golihiisa Wasiirada.

Si kasta ha ahaatee Madaxweyne Waare ayaa ku guuleystey inuu ku qanciyo xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle inuusan ku soo dari doonin golihiisa wasiirada  xildhibaanada maadaama ay yihiin sharci dejiyayaal.