Dowladda oo sheegtay in Xero lagu tababaro Ciidamada Al-shabaab la weeraray laguna dilay Ciidamo fara badan

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan yariisoow oo  lahadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed duqeyn ay la  beegsadeen  xero tababar oo ku taala  deegaan lagu magacaabo Buur ceelcade oo hoos taga degmadda Diinsoor  ee gobolka Baay.

Wasiirka, ayaa xaqiijiyey in duqeyntaasi  lagu dilay  ku dhawaad  boqol dagaalyahano  oo isugu jiray Ciidamo  iyo Saraakiil sare oo ka tirsan  Alshabaab.
“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka Al-Shabbab, waxa la duqeeyay Xiro  tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor waxaana lagu dilay 90 – 100 Shabaab ahaa” ayuu yiri wasiir yariisoow.

Dhanka kale War-saxaafadeed ka soo baxay ciidamada Maraykanka gaar ahaan qeybta Afrika ayaa lagu sheegay in gantaalo lagu garaacay dugsi lagu tababarayay dagaalyahano ka tirsan Alshabaab lagu diley boqol ka mid ah dagaalyahanadii la tababarayay.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka ay sii joogteyn doonaan weerarada ay ku hayaan Alshabaab meel walba oo ay ku tuhmaan sida xarumaha tababaraha iyo saldhigyadoodaba.

Dhanka kale Al-shabaab oo warqoraal ah kasoo saaray duqeyntaas ayaa sheegay in aysan jirin haba yaraate wax duqeyn looga dilay waxa ayna beeniyeen in tiro intaas la eg aan mar qura laga dilin Ciidamada Shabaab.