Muuse Biixi oo loo doortay Madaxweynaha maamulka Soomaaliland

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada ka soo baxday doorashadii madaxtooyada ee Maamulka Somaliland.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somali-land  Cabdiqaadir Iimaan ayaa sheegay in doorashadii madaxtooyada ku guulaysteen Murashaxiintii Xisbiga Kulmiye ee Murashaxii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Iyo Murashaxii Ku Xigeenka u ahaa ee Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Xisbiga Kulmiye:- 305,909 cod una dhiganta 55.19%
Xisbiga Waddani:- 226,092 cod una dhiganta 40.73%
Xisbiga Ucid 23,241 cod una dhiganta  4.17%