Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalyannada Xarakada Al-Shabaab ay la wareegeen deegaan hoos yimaada Magaalada Baladweyn ee Gobolkaasi.
Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Goob ay ku sugnayeen Ciidamo ka amar qaata Maamulka iskii isku Magacaabay ee Wastiland, waxaana halkaasi ka dhacy dagaal culus oo laba dhinac ay isku adeegsaden hubka nuucyadiisa kala duwan.
Sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah Al Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Maroodille oo qeiyaastii 22-KM u jira magaalada Beledweyne, halkaasi oo ay ku sugnayeen Ciidamo ka amar qaata Maamulka Iskii isku magacabay ee Wastiland.
War saxaafadeed kasoo baxay Al-shabaab oo lagu baahiyay Baraha ay bulshada ku kulanto ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay u suura gashay iney dagaal kula wareegaan deegaanka Maroodille oo qeiyaastii 22-KM u jira magaalada Beledweyne, halkaasi Isbaro ay u taalay Ciidamo ka amar qaata Maamulka Iskii isku magacabay ee Wastiland.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Wastiland oo ku aadan qabsashada Al-Shabaab ee deegaankaasi, balse Xiriiiro lala sameeyay Mas,uuliyiinta Maamulka Wastiland ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan weerarka lagu qaaday deegaanka iyo qasaaraha soo gaaray dhankooda, balse ila wareedyo ayaa ku waramaya inuu jiro qasaare soo gaaray laba dhinac ee Maanta ku loolamay deegaanka Maroodille oo dhaca duleedka Beledweyn.
Al-shabaab ayaa inta badan weerar ku qaada Ciidamada Dowlada ee Gobalka Hiiraan iyo Kuwa Maamulka iskii isku magacaabay ee Wastiland ee uu Maanta Dagaalka ku dhaxmaray deegaanka Maroodille oo qeiyaastii 22-KM u jira magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.