Xaraka Al-shabaab ayaa soo bandhigay rag ay sheegeen in ay uga dhinteen weerarkii ka dhacay deegaanka Buulo Gaduud ee gobolka Jubadda Hoose.
Weerarkaas oo ahaa mid culus ayaa dagaalamayaasha Al-shabaab waxa u suurta gashay in gudaha u galaan Saldhiga Ciidamada Buula Gaduud ayagoona la wareegay Saacado kooban.
Al-shabaab ayaa soo bandhigay in Gaadiid dagaal iyo Hub ay sheegeen inay ku qabsadeen Weerarkii Buulo Gaduud sidoo.
Sidoo Kale Al-shabaab ayaa Ragga ay soo bandhigeen sheegay in ay dhamaantood shuhada ahaayeen waa sida ay hadalka u dhigeen waxa ayna soo bandhigeen Magacyada ragaas iyo Qabiilada ay kasoo kala jeedaan.
Waxaa xusid mudan in ragaas oo dhan ay kasoo wada jeedaan deegaanada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
1: Cabdulqaadir Cali Ibraahim (Boqol-Hore)
2: Maxamed Macalin Xasan ( Hadamo)
3: Maxamed Nuur Adan ( Hubeyr)
4: Axmed Cabdulcasiis Cabdulaahi ( Eelaay)
Waa Ninkii waday Gaariga lagu fuliyay Qaraxa waana ruuxa ismiidiayaha ka ahaa Werarkii lagu qabsaday saldhiga Buula gaduud.