Faah-faahinta: Al-shabaab oo sheegtay inay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ku dileen Saraakiil Ameerikaan ah

Warbaahinta Xarakadda Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in ismiidaamiye ka Tirsan Ciidamadooda in uu isku qarxiyay Kolonyo Ciidamo ah oo kasoo Aambabaxday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Balidoogle kuna soo jeeday Xerada Xalane ee Ciidamada AMISOM.

Shabaab waxa ay sheegeen in Kolonyadda ay iskugu jireen Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah islamarkaana khasaaro la gaarsiiyay Kolonyadda.

Al-shabaab waxa ay sidoo kale sheegeen in qaraxaas khasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Mareykanka.

5-sarkaal ayay Al-shabaab Sheegeen in ay ku dileen qaraxa ismiidaaminta ahaa ee goordhaweyd ka dhacay Deegaanka Weydow ee duleedka Magaaladda Muqdisho.

Ma jirto war kasoo baxay Saraakiisha Amaanka Dowladda Federalka Soomaaliya iyo AMISOM oo ku saabsan Qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo ka dhacay deegaanka lagu magacaabo weydow.

Sidoo kale waxaa la arkayay Gaariga qarxay oo ku baaba’ay laamiga dhexdiisa waxaana goobta yaalay Meydka Qof loo maleynayo inuu yahay ruuxii is qarxiyay dadka deganka ayaa noo xaqiijiyay inay yartahay khasaaraha Shacabka soo gaaray balse aysan xaqiijin karin waxa gaaray Ciidamadii qaraxa lala eegtay.