Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay mas’uul katirsan wasaaradda G/dhigga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa Weerar dhabbagal ah u dhigay gaadiid uu la socday Taliyaha Guutada Koowaad ee ciidanka Xooga Dalka, Col. Xuseen Yuusuf Tubaaka weyne. balse uuka bad baaday weerrk uu la kulmay.
Weerarka oo ka dhacay wadada xiriirisa deegaanka Basra iyo Degmada Balcad ayaa sababay dhimashada hal askari iyo dhaawac soo gaaray laba askari oo katirsan ilaalada gaarka ah ee Taliye Tubaaka weyne.
wararka ayaa intaasi ku daraya inuu bad qabo Taliyaha Guutada Koowaad ee ciidanka Xooga Dalka, balse uu jiro qasaare kale oo soo gaaray ilaaladiisa.
Al-shabaab ayaa sheegatay Mas,uuliyada weerarka lagu qaaday kolonyada galbineysay Taliyaha Guutada Koowaad ee ciidanka Xooga Dalka, balse Shabaab ayaa intaasi ku daray inuu si dirqi ah kaga bad baaday taliyaha weerarka ay Ciidamadooda ku qaadeen.
wali wax war ah kam soo bixin Ma,uuliyiinta Dowlada ee gobolka Sh/dhexe oo ku aadan weerarkaan la sheegay in lagu qaaday Taliyaha Guutada Koowaad ee ciidanka Xooga Dalka, Col. Xuseen Yuusuf Tubaaka weyne.