Qarax Gaari lagu soo xiray oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhow qarax Gaari uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Ruux aan weli la garan waxa uu ahaa mana jirto wax faahfaahin ah oo ay bixiyeen laamaha Amaanka.

Gaariga xiliga uu la qarxayay ayaa waxa uu marayay inta u dhaxeysa Warta Siigaale iyo Xarunta Magareeshinka ee laga soo qaato Baasa Boorada.

Shaqsigii Gaariga watay ayaa la sheegay in dhaawac culus uu soo gaaray isla markaana loola cararay Isbitaal.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa haatan gaaray Goobta kuwaas oo xiray Wadada soo gasha Goobta uu qaraxa ka dhacay.