Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa ku dhawaaqay in uu bilowday qorshaha ay ciidamadooda kaga baxayaan Soomaliya.
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Caetano Madeira oo shir Jaraaid ku qabtay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ayaa sheegay in 1,000-askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM in ay Soomaliya ka bixi doonaan marka laga gaaro 31st Dec 2017-ka.
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Caetano Madeira Wuxuu caddeeyay in go’aanka ay dalka uga baxayaan Ciidamada AMISOM ay gaareen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ka baxaya dalka Soomaaliya aysan dhibaato u keeni doonin xaaladda Soomaaliya, islamarkaana la hubin doono inaysan noqon mid wax u dhinta xaaladda ammaanka Soomaaliya.
Sidoo kale Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in Ciidamada Soomaaliya ay u baahan yihiin tababar, qalab iyo hub culus si ay ula wareegeen ammaanka, waxaana uu sheegay in mushaar joogto ah ay ciidamada Soomaalida meel loo saaro.