Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo baaq u diray Dowladda Federalka Soomaaliya

War saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka ayaa waxaa lagu bogaadiyay heshiiska dhexmaray Dowladda iyo Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladd Goboleedyada, maadaama lagu guda jiro marxalad ay tahay in la samata bixiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Guddiga ayaa sheegay inuu walaac weyn ka qabay khilaafkii soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaasi oo ay sheegeen in uu wiiqi karay hormarka Dowladda.

Sidoo kale War saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga ayaa wuxuu ku baaqay in laga fogaado wax walba oo keeni kara khilaaf, laguna xaq dhowro qolo walba inta uu Dastuurku u ogolaanayo.

Wuxuu kaloo Guddiga ku baaqay in la dardar geliyo dib u heshiisiinta dalka, maadaama dib u heshiisiintu ay saldhig adag u tahay Dowladnimada Soomaaliyeed iyo wadajirka Ummadda.

Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayay ka dalbadeen in ay meel uga soo wada jeestaan kooxo Dowlad diid ah oo ay sheegeen in had iyo jeer in ay u taagan yihiin gumaadka Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Guddiga ayaa ku baaqay in la dhowro midnimada iyo wadajirka, lana yareeyo wax walba oo dib u dhac ku keeni kara horumarka dalka iyo Dowladda Soomaaliyeed.