Wasiir Bayle oo beeniyay warar laga faafiyay Wasaaradda Maaliyada

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa beeniyay wararka sheegaya in Canshuur kordhin lagu sameyay ganacsatada alaabta kala soo degta Dekeda Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa aan waxbo ka jirin isla markaana Wasaaradu aysan sameyn Canshuur kordhin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Wasaarada Maaliyadda aysan culeys iyo Canshuur kordhin saarin ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed todobaadka soo socda uu kulan la qaadan doono.

Waxa uu sheegay in kulankaasi looga hadli doono arrimaha Canshuurta iyo in ganacsatada ay diyaar u noqdaan bixinta canshuurta iyo iney si dhaw ula shaqeyaan Wasaarada Maaliyadda.

Hadalka Wasiirka Maaliyadda ayaa imaanaya ka dib markii qaar ka mid ganacsatada Soomaaliyeed ee dekeda alaabta ka soo dejista ay warbaahinta u sheegeen in Canshuur kordhin lagu sameeyay.