Dhageyso: Saraakiisha Ciidamada Gobolka Gedo oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kasoo ka bilaaban doono degaanada Al-Shabaab ka jooggaan gobolka  Gedo.

Abaanduulaha guutada 9-aad ee Ciidamada xooga dalka Cismaan Sheekh Cabdi Qorax ayaa sheegay in ciidaamada dowladda ay qaadi doonaan howlgal ka dhan Al-Shabaab maalmaha soo socda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in degaanada ay Al-Shabaab ku sugan yihiin in ay dagaal uga saari doonaan.

Abaanduulaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay u dhameystiran yihiin qalabkii ay ku dagaalami lahaayeen isla markaana ay dhawaan Al-Shabaab kala wareegi doonaan degaano hor leh.

Waxa uu ciidamada kula dardaarmay iney waajibaadkooda si sax ah u gutaan oo ay xoojiyaan dagaalka iyo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.